HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa "Mustaqbalka Soomaaliya oo barwaaqo ah waxa uu ku jiraa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo barwaaqo ah waxa uu ku jiraa horumarinta dhaqaalaha buluuga ah”

May be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people, suit, motorcycle and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people, dais and text that says "I C FISMERIES AND BLUe CALN MA สล้ ာ LTe X.3.F.S WASAARADDA WASAARADDAKALLUUMEYSIG/ KALLUUMEYSIG DHAQAALAHA BULUUGGA DHAQAALAHABULUUGGA/ AI N NAASABA DHAGAXDH KALLUUME NNTA c LUULYO SAARADDA UGGA AH Md. Md.XamseCabd Xamse Cabdi Barre aaraba JFS Md. Md.Axmed Md.AxmedXasanAadan Xasan XasanAadan Aadan Wwotirte.KelumeypigeihpoDhopt yoDhaqoalaha Wasiirka olluumeysigaly Buluugga JFS"May be an image of 10 people, suit and weddingMay be an image of 6 people and textMuqdisho, Isniin, 30 Juunyo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.
“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faa’iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.
-DHAMMAAD-May be an image of 8 people and suitMay be an image of 10 people and text that says "Y 2:61"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -