HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa muxuu kala hadlay masuuliyiinta Dalka Shiinaha+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamsa muxuu kala hadlay masuuliyiinta Dalka Shiinaha+SAWIRRO

Yinchuan, Ningxia, Talaado,26 Agoosto 2025: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isagoo tilmaamay in fursadahan ay u furan yihiin shirkadaha iyo maalqabeennada Shiinaha si ay u maalgashadaan.
Dhankiisa, Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buuxda loo maalgashan. Waxaa uu caddeeyay in Ningxia ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabeennada deegaanka si ay u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursadaha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
May be an image of 3 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -