HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa muxuu kala hadlay Wafdiga ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa muxuu kala hadlay Wafdiga ka socday Dowladda UK

May be an image of one or more people, newsroom, dais, the Oval Office and textMuqdisho, Talaado, 02 Diseembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u- la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Mudane Xamsa oo warbixin siinayey wafdiga, ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

—DHAMMAD—

Cabdinaasir Axmed Bashiir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of one or more people and suit

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -