HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee Dalka Morooko+SAWIRRO

May be an image of dais and text

Tangier, Marooko, Jimce, 28 Nofeembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dekadda Tanger Med, ayaa si istaraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.

Intii uu ku sugna Dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.

Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, Xukuumadda DanQaranna, ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna ay qorshaha ku jiraan.

— DHAMMAAD —

Cabdinaasir Axmed Bashiir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRWNo photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of lighting and textNo photo description available.May be an image of one or more people, newsroom and text that says "TANGER TANGERMED: MED:"May be an image of one or more people, suit, newsroom and text that says "TANGER"No photo description available.No photo description available.May be an image of dais and textMay be an image of textMay be an image of map, lighting, television and textMay be an image of cloud and the Panama CanalMay be an image of textMay be an image of one or more people, suit and newsroomMay be an image of one or more people, suit and newsroomMay be an image of map and textMay be an image of one or more people, suit and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -