HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

May be an image of dais and text that says "MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGA K-DHIGA DHISMAHA CUSUB EE WASAARADD FED ACSIGA JAMH KA KASOMAALI S MAALI ADDA 2026 da Ganacsiga u-somalia"Muqdisho, Sabti 11, Luulyo 2026:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso hey’adaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.

“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha hey’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka.

“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hey’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people and suitMay be an image of dais and text that says "UNAASAI AASABADDA DH DH DHOM AHA c WASAARADI-A-ANA NA NASAARADL GA FED ALK ALKIAOON OON"May be an image of suit and weddingMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "RIYADDA DBD"No photo description available.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and text that says "523 빛 Buruuj Construction&Re PBuruus construction&RealEstate &Real Estate MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGA DHIS HA CUSUB EE WASAARAD WASAARADP URIYADDA FED A CSIGA JA OOMA Mer Date L"May be an image of one or more people, dais and text that says "MUNAASA DH WASAARA ਕਤੇ Construction&RealEstate onstruction Real Estate Buruuj DA DH AHA AHACI C SIGASA 手 SIGA ΦΟΜΑ IX-DHIGA EE IRIYADDA RIY"May be an image of one or more people, suit and weddingMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -