Kismaayo, Nofeembar 26, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo kamid ah meelaha ay daadadku xireen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay burburka ku yimid jidadka isku xira deegaannada iyo caqabadaha nololeed ee la soo gudboonaaday dadka deegaanka, waxa uuna sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad-goboleedka ay dhibaatada ugu ballaaran ay ka soo gaartay roobabka daadadka wata ee El-nino.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda adag ee soo food-saartay kumannaan qoys oo ku dhibaataysan deegaannadan, kuwaas oo ay barakiciyeen daadadku, xoolihii iyo dalagyadii beerahana ay ka galaafteen, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka in ay u kacaan gurmad, si le eg baaxadda dhibaatadan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka digay xaalad caafimaad darro oo ka dhalata goobaha lagu bara kacay, maadaama aysan haysan biyo nadiif ah, isla markaana ay halis ugu jiraan cudurrada ka dhasha biyaha, waxa uuna faray Hey’adaha Heer Federaal ee gurmadka iyo adeegyada bulshada in ay dardar-geliyaan doorkooda ku aaddan samatabixinta dadkeenna Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.
May be an image of 6 people and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of 6 people and childMay be an image of 2 people, body of water and grassMay be an image of 5 people and text that says "Tire"May be an image of 5 people, mosquito net and textMay be an image of 1 person and childMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and mosquito netMay be an image of 5 people and camelMay be an image of 11 people and treeMay be an image of 3 people and childMay be an image of 13 peopleMay be an image of 2 people, people fishing and lakeMay be an image of 12 peopleNo photo description available.May be an image of road and grassMay be an image of 6 people and dais
Previous articleMadaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO
Next articleDarbi ku soo dumay guri ku yaal Degmada Kaaraan oo sababay dhimasho badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here