Muqdisho, Oktoobar 07, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.
“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka e
CIIIe ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo xigashomasiibooyinka soo foogan.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, newsroom and text
May be an image of 1 person, television and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 12 people and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 10 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and dais
Previous articleCali Guud-laawe oo hadal u jeediyay Ciidamo Dagaal ku sii jeedey+Sawirro
Next articleShir ku saabsan wajiga 2aad ee dagaalka Alshabaab oo ka furmay Baydhabo+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here