HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia.

Belgrade, Sebteembar 02 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ay kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.
— Dhammaad —May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 9 people and text that says "OMPANY ROROCAIN 26 EPANORIMA 01171131&i 064 866 0 DIREKTNA KTNAPRODAJA PRODAJA IL"May be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 12 peopleNo photo description available.May be an image of 9 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -