Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa tacsi u diray Ciidamadii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Xerada Kulliyadda jaalle Siyaad ee Magaalada muqdisho.

Wuxuu sheegay in qaraxaas uu yahay mid aad looga xumaado ayna geysteen Ururka Al-Shabaab, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo askarta dhaawaca ah.

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in askarta la qarxiyay ay ahaayeen kuwo Shaqo Qaran kujiray oo waajibaadkooda gudanayay, balse dadkii dhibaateeyay ay yihiin kuwo fuleeyo ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa weli ka hadlin qaraxa ay ku dhinteen Ciidamada ka tirsanaa Guutada 14-ka Octoober ee ka dhex dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Previous articleRW Xamsa Cabdi Barre: “Waxa aan u diyaargarownay Ciidankii Amniga la wareegi lahaa marka ATMIS Dalka ka baxdo”
Next articleCiyaarta Fadeexada Diyaaradda Ethiopian Airlines ee Dadka Jig-jiga ah waa in ay joojiyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here