Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambaxay, dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah.

Shirka ayaa looga hadlayaa ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso.

Advertisement

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Shirkaan mudnaan gaar ah u leeyahay Xukuumadda, kaas oo ku aadden horumarinta bulshada, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here