Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Advertisement

May be an image of 7 people and dais

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

May be an image of 10 people and dais

Sidoo kale, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Jowhar
Next articleKulamo looga arrinsanayo sidii go’doonka looga qaadi lahaa Baydhabo oo ka billowday Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here