Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan gaar ah Qaahira kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdiqaasim Salaad ku booqday hoygiisa, si uu uga wareysto xaaladda guud iyo sidoo kale caafimaadkiisa, maadaama uu muddo ka maqan yahay dalka.

Labad mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waxaan xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda ee ku aadan ka hortagga Al-Shabaab iyo dagaallada ka socda gobollada.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto dalka gudihiisa, si uu ugu noolaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Mudane Cabdiqaasim wuxuu soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee dib looga xoreynayo dalka kooxaha Khawaariijta dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa,” ayuu mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay booqashadiisa qaadatay maalmo ayaa illaa iyo hadda la kulmay mas’uul ka tirsan dalkaas oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska Soomaaliya.

Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, waxaana horay dalkan u booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here