HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamza oo Galabta shacabkii ugu badnaa kula hadlay Degmooyinka Kaaraan...

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Galabta shacabkii ugu badnaa kula hadlay Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid+SAWIRRO

May be an image of one or more people and textRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza ayaa galabya boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay ololaha doorashada Qofka iyo Codka, waxaa goobjoog ahaa Duqa Caasimadda Xasan Maxamed Xuseen iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dan Qaran.

Isu imaantinka ayaa ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, xilli laba maalmood ay ka hartay goorta loo dareerayo goobaha cod bixinta.
Haddaba halkaan ka akhriso qoraal uu Ra’iisulwasaaraha soo dhigay barihiisa bulshada oo uu ka hadlay kulanka galabta oo sidiisa u qoran:-
Waxaan galabta kala qeyb-galay bulshada ku nool Degmada Kaaraan oo sameeyay isu-soo bax balaaran oo ay ku muujinayaan diyaar-garowga ay ugu jiraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee loo madlanyahay toddobaadkan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, ooo aynu isugu nimid in aynu ku soo gaba-gabeyno olole ballaaran oo aynu kusoo jirnay muddo dheer, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in muwaadiniinta sharafta leh ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda, ay si xor ah ugu doortaan madaxdooda.

Laba beri kadib, waxa inoo baryi doona waji cusub, maalin qiimo gaar ah u leh Gobolka Banaadir, Ummadda Soomaaliyeed iyo Qarankeenna guud ahaan. Waa maalin bilow u noqon doonta taariikh cusub oo dalku galo. Muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu heli doonaa xuquuq dastuuri ah oo muddo dheer ka maqnayd, waxaana hirgali doonta taariikh siyaasadeed oo ku dhisan in talada iyo masiirka ummadda ay go’aamiyaan dadkeeda.

Waxaa la iba-furi doonaa hirgelinta doorasho dadweyne oo xor iyo xalaal ah, taas oo ay dadka Soomaaliyeed codkooda si buuxda ugu cabbiri doonaan rabitaankooda, kuna xaqiijin doonaan xuquuqdooda muwaadinnimo.

Qof kasta oo doonaya xil iyo hoggaan, qof kasta oo isu arka in uu masuuliyad qaadi karo, codka shacabka ha u soo raadsado. Xukunka iyo talada dalka waxa iska leh shacabka Soomaaliyeed, aragtidaas ayaannu si buuxda u rumaysanahay. Waxaan aaminsanahay in maanta Soomaaliya ay gaartay marxalad ay awoodda iyo go’aanka leeyihiin muwaadiniinteeda.

muddo dheer ayuu dalkeennu ku soo jiray dhibaato, hoggaan aan shacabku dooran iyo caqabado badan, Maanta albaabkaas waa la soo xiray, waxaana u rajaynaynaa dalkeenna horumar, midnimo, xasillooni iyo guul waarta.May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and text that says "RAAN"May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and text that says "U DEG.KAARA"May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -