HomeWarkiiRa'iisul-wasaare Xamza oo magacaabay Agaasimaha  kahor tagga iyo La-dagaallanka fikirada xagjirka

Ra’iisul-wasaare Xamza oo magacaabay Agaasimaha  kahor tagga iyo La-dagaallanka fikirada xagjirka

Muqdisho, Axad, 24 Agoosto 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cali Yaasiin Gurbe, Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee kahor tagga iyo La-dagaallanka Fikirada Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (Tubsan).

Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siinayso ciribtirka khataraha Khawaarijta iyo aragtiyaha gurracan ee halista ku ah midnimada iyo amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Agaasimaha cusub u rajeeynaya in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Xarunta, si ay qeyb uga noqoto dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.
May be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -