Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.

Advertisement

Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.

Previous articleSarkaalkii Qaramada Midoobay iyo wixi xanuunjiyay ee ay ku soo aragtay Qasa
Next articleQodobada ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Siyaasiyiinta Mucaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here