LONDON (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Britain Rishi Sunak ayaa warbaahinta u sheegay in xiligaan uu is badal weyn u ku yimid hab dhaqankii Dunida hore uga jirey kaasoo hore ugu ku saleysnaa xeerar.
Rishi Sunak wuxuu si cad u sheegay in Dunidu maanta u guurtay isu awood sheegasho iyo loollan quwadeed,sidoo kale wuxuu sheegay in laga tagay nidaamkii hore ee ku saleysnaa xeerar ay koontaroosho Hay’ada Qaramada Midoobe.
“waxa hada ka socda caalamka ma aha mid ku dhisan xeerar nidaamsan, balse waa mid ku dhisan awood isu sheegasho ,gaar ahaan doorkii Mareykanka ee dunida wuu is beddelay,waxaa muuqanaya quwado badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Britain
Rishi Sunak wuxuu ku tilmaamay xaalada maanta dunidu ku sugan tahay jawiga siyaasadeed khatar u ah amniga dunida Rishi Sunak isagoo tusaale u soo qaatay hab dhaqabka Ruushka ,wuxuu xusay inay jiraan dhibaatooyin iyo dagaalo ka badan intii la filayay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
