NEW DELHI (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay 20 kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo habeenkii Isniinta ka dhacay meel u dhow qalcadda cas ee caasimadda Hindiya, New Delhi.
Lama sheegin sababta keentay qaraxan, balse booliiska magaalada caasimadda ah ee Hindiya ayaa qaaday sharciga “la-dagaalanka argagixisada”.
Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay qaraxa la horgeyn doono cadaaladda isla markaana dowladiisa ay “ka gaari doonto meesha ugu hooseysa ee shirqoolkan”.
Wasiirka arrimaha gudaha Amit Shah ayaa sheegay in qaraxu dhacay wax yar ka hor 7pm (13:30 GMT) waxaana la rumaysan yahay in uu ka yimid gaadhi Hyundai i20 ah kaas oo ku istaagay calaamad taraafikada.
Qaraxa ayaa sababay in meydad iyo gawaari burburtay ay daadsan yihiin agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ciidamada booliiska iyo baarayaasha ay xireen goobta uu qaraxu ka dhacay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
