MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan ka heleyno Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi caawa ay iskula sugan yihiin Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta kuwaasoo shirar kala duwan halkaasi ku wada leh.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaruhu halkaasi kaga qeybgalayo shirka daah-furka Xajka sida jan goynta qiimaha lagu xajin doono xajka soo socda halka mucaaradkuna kulan kula leeyihiin Hoteelka Ergo ka socota Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyagoo ka wada hadlaya arimaha dalka ee ay isku hayaan mucaaradka iyo Dowlada.
Labada shir ayaa ka kala socda laba Hool oo isku muuqda , iyadoo dhinac kastaana howshiisuu wato, Hoolka 1-aad iyo hoolka 7-aad ayay ku kula sugan yihiin labada dhinac.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ilaalada Ra’iisulwasaaraha iyo kuwa mucaaradka ay si nabad ah hal meel iskula sugan yihiin iyagoo wada hubeysan islamarkaana aan wax dhiba isku heyn.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii labada dhinac isku dhaceen markii masuuliyiinta Mucaaradka ay tageen saldhiga Booliiska Degmada Warta-nabada ee Magaalada halkaasoo ay isku rasaaseeyeen waliba baasuukayaal la isla dhacay waxaana ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Ra’iisulwasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halka laba gaarina ku burbureen,sidoo kale wiil shacab ahaa oo waliba aroos ahaa ayay xabadu ugu tagtay gurigiisa markii danbe ayuu isbitaal ku dhintay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
