Eedey culus ayaa loo jeediyay Saraakiil iyo ciidamo ka tiran Xooga Dalka Soomaaliyeed taasoo ah inay ka qeybqaateen dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo maalmihii ugu dambeeyay ka jirey deegaano aad ugu dhaw Magaalada Ceel-buur.
Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa sidaas oo kale loogu eedeeyay inay ku milmeen dagaal beeleedkaasi oo u dhexeeyay beelo ka kala tirsan Habar-gdir iyo Mursade waxaana eeda loo jeediyay Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Xooga gaar ahan guutada 21-aad kuwaasoo dhamaantood lagu eedeeyay inay la safteen Maleesahiyaadka beesha Habar-gidir gaar ahaan Jufada Ceyr oo dagaal uu kala dhexeeyay Beesha Murade gaar ahaan jufada Abakor.
Eeedeymahaan waxay ka soo baxayaan dhanka Beesha Mursade iyagoona wax laga xumaado ku tilmaameen in halkii la rabay in ciidamada qaranka iyo maamulka Galmudug ay dhex dhexaadin sameeyaan ay ayaan daro tahay in dhinac la saftaan laba beelood oo walaalo ah oo dirirtu ka dhaxeysay.
Eedeymahaan wali wax jawaab ah kama bixin saraakiisha ciidamada Xoga iyo masuuliyiinta Maamulka Galmudug midkoodna.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

