HomeWarkiiRa'iisulwasaaraha muxuu kala hadlay wafdiga ka socday Dowladda Ciraaq+SAWIRRO

Ra’iisulwasaaraha muxuu kala hadlay wafdiga ka socday Dowladda Ciraaq+SAWIRRO

Muqdisho, Arbaco, 05 Nofeembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartey in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, loona ballaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.May be an image of textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "間"May be an image of textMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -