Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.
Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 4 people and the Oval OfficeMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and the Oval Office
Previous articleDowlada oo shaacisay inay 20 dagaalame ka dileen Alshabaab.
Next articleMareykanka  oo ku fashilmay inuu xubnaha Golaha Ammaanka QM ka iibiyo Cambaareyn ka dhan Dagaalyahanada Xamaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here