Af-madow (dayniiile.com)-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mr. Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta booqday Magaakada Af-madow ee Gobolka Jubadda Hoose xili maalmihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa Magaalada Kismayo.
Ra’iisulwasaaraha wuxuu socdaalkiisa ugu kuur-galayaa xaaladda dadka halkaasi ku dhaqan kadib dhibaatooyinka ka dhashay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa markii ay gaareen  garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow waxaa aad usoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo shacabka degmada qaarkood kuwaasoo watay boorar soo dhaweyn ah.
Xamze Cabdi Barre waxaa wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose iyadoo hore warbaahintu u sheegtay inuu booqan doono.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 5 peopleMay be an image of body of waterMay be an image of 8 people, grass and textMay be an image of 11 people and hospitalMay be an image of 6 peopleMay be an image of horizonMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people
Previous articleShirkii Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka maxaa maanta looga hadlay+SAWIRRO
Next articleDigniin culus oo la siiyay Shirkadaha diyaaradaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here