Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda, isaga oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI, kaas oo laga hirgeliyey Muqdisho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo dukaameystay suuqan casriga ah, ayaa ammaanay ganacsatada ka hirgelisay suuqan caasimadda, taas oo muujinaysa in ganacsiyada caalamiga ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka.
May be an image of one or more people and suitMay be an image of 9 people, water filter, dais and textMay be an image of one or more peopleNo photo description available.No photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.
Previous articleHay’addaha SoDMA iyo FAO maxay ka wada hadleen+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo booqday Masjidka Nabiga NNKH+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here