Kismaayo, Nofeembar 28, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laamiya oo 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doonto amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Advertisement

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so

Previous articleAl-shabaab oo weeraro ka gaysteen Gobolka Sh.hoose
Next articleViasil Reviews | Safe, Effective Male Enhancement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here