Kismaayo, Nofeembar 27, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad.
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.
May be an image of 9 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "XAFL ADA XARIG-JARKA ASAARADD CAAFIMAADKA, JUBALAND MINISTRY OF HEALTH JUBALAND STATE, SOMALIA OFFICIALLY INAUGURATED BY HAMZA ABDI BARE, PRIME MINSTER, FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA NOVEMBER 2023 BY: JUBALAND MINISTRY OF HEALTH"May be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 10 people, newsroom and daisMay be an image of 6 people, table and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 11 people and suit
Previous articleDhaqaatiir Talyaani ah oo Muqdisho ka fuliyay baaritaano iyo daweyn oo maanta loo sameeyay munaasabad sagootin ah+SAWIRRO
Next articleAskar ka mida Booliis Milataariyada oo shaqada laga eryay +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here