MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyay Garsooraha Soomaaliyeed ee heer caalami Cumar Cartan oo xalay ku guuleystay Garsooraha kubada cagta ee ugu wanaagsan Afrika oo dhan sanadkaan 2015.
“Waxaan halkan Hambalyo diirran uga dirayaa guud ahaan Bahda Ciyaaraha Soomaaliya , gaar ahaan Garsooraha Kubadda Cagta Mudane Cumar Cabdiqaadir Cartan oo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF uu guddoonsiiyay abaalmarinta Garsooraha ugu wanaagsan Afrika sanadka 2025-ta” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza
Xamza Cabdi Barre wuxuu guushaan ku tilmaamay guud ahaan mid usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.
“Guusha Garsoore Cumar Cartan waxay muujinaysaa kartida iyo wax-galnimada qofka Soomaaliga ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaaraha.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ugu danbeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in Garsoore Cumar Cartan uu tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan u yahay dhallinyaradeena,wuxuu ku boggaadinayay Garsooraha dedaalka uu galiyay xirfadiisa, taas oo sharaf usoo hoyisay qaranka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
