Muqdisho, Diseembar 12, 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho, iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha Xukuumadda #DanQaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.
Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 13 people, table, dais and textMay be an image of 10 people, table, newsroom, dais and textMay be an image of 10 people, table, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people and people studying
May be an image of 13 people, table, dais and text
Previous articleIsbitaalka taqasusiga ah ee Guled oo lagu kordhiyey qeybo cusub & qalab casri ah +Sawirro
Next articleKooxihii dilay labada nin ee isla dhashay oo la soo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here