HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza iyo Golihisa Wasiirada oo u guuraya Laas-caanood

Ra’iisulwasaare Xamza iyo Golihisa Wasiirada oo u guuraya Laas-caanood

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xukuumada Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre dhawaantood u safarayaan Magaalada Laas-caanodo oo dhawaan ay ka dhaceyso caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Waqooyio-Bari C/qaadir Aw Cali Firdhiye.
Sidoo kale Kale Madaxweyne Xasan ayaa isna u safaraya Laas-caanood waxaana la hadal hayaa in shirka Golaha Wasiirada halkaasi loo wareejin doono lamana oga in caleema saarka kadib ay degdeg ugu soo labanaayaan  Xamar iyo inay bilo sii joogi doonaan Laas-caanood.
Wararka ayaa xusaya in hogaanka Dowlada,siyaasadeeda iyo shaqadeedaba loo weecinayo dhanka Magaalada Laas-caanood taasoo dhanka kalana la filayo in reer Puntland ka soo horjeestaan madaama ay siyaasad ahaan aqoonsaneyn maamulka Waqooyi Bari madaama ay iyaga ka go’een.
Magaalada Laas-caanood waxay iminka isku diyaarineysa inay qaado culys siyaasadeed iyo saxmad balaaran madaama Dowladii ay halkaasi u ruqaansaneyso xili ciidamo aad u badana ay halkaasi isugu tagi doonaan kuwaasoo ilaalo u kala ah madaxda Dowlada sida Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha,Wasiirada iyo Xildhibaanada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -