Ra’iisulwasaaraha Samalia Xamza Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Garsooraha heer Caalami Cumar C/qaadir Cartan kaasoo maanta dib ugu soo laabtay Muqdiaho.
Ra’iisulwasaare Xamza ayaa qoraal uu soo geliyay barihiisa bulshada kaga hadlay qaabilaadiisa,haddaa halkaann ka akhriso:-
Waxaan maanta xafiiskayga kusoo dhaweeyay Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan aniga oo la-wadaagay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u garab taagan-yihiin dadaalkiisa iyo xirfaddiisa uu ku kasbaday in uu noqdo Garsoore heer Caalami ah.
Inkasta oo ay dib-u-dhacday dhex-dhexaadintiisa koobka adduunka, waxa aan la wadaagay farriintayda dhiirragalinta ah ee ku aaddan in uusan marnaba joojin dadaalka iyo dhismaha mustaqbalkiisa Garsoore ee heerka sare gaaray.
Cumar Cartan waxaa uu dhex dhexaadiyay Ciyaaro Caalami ah oo kala duwan, waxa uuna kor u qaaday magaca Garsoorka iyo rejada Ciyaaryahannada Soomaaliyeed kaalintii ay ku lahaayeen dunida, wuxuuna tusaale u yahay adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee magaca iyo qiimo badan ku leh dunida.



