
Dadaal badan kaddib haatan waxaan taagannahay xilli dowlad-dhiskeenna laga gaaray guulo waaweyn oo aan la dafiri karin.
Muddo dheer dalkeennu waxa uu ku soo jiray nidaam doorasho oo dadban, muddo xileed walba waxaa la ballan-qaadi jiray in la hirgalinayo nidaam doorasho oo ku dhisan qof iyo cod.
Iyada oo ay jiraan caqabado badan ayaa haddana go’aan sannay in ka dhabaynno ballan-qaadkaas.
Waxaa diyaarinnay sharuucdii loo baahnaa ee lama huraanka u ahaa doorashooyin dadweyne. Waxaan dhisnay guddigii doorashooyinka ee madaxa bannaanaa.
Dhowr iyo kontan sano kaddib waxaa markii ugu horreeysay diiwaangelin doorasho ka socotaa caasimadda dalka ee Muqdisho.
Waxaa diyaar u nahay in laga wada xaajoodo, wadatashi badan laga galo hannaanka fulinta doorashadaas. Ma jirto cid laga maarmo ra’yigeeda iyo taladeeda, waana sababta aan gogoshaan u fidinnay, annaga oo aaminsan in ummaddeennu ay mudan tahay helidda Dowlad Dimuqraadi ah oo ay codkooda ku doortaan cidda iyaga matalaysa.
















































