HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza muxuu kala hadlay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza muxuu kala hadlay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika+SAWIRRO

Muqdisho, Talaado, 23 Sebteembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care International, Mr Apollo Gabzira, iyaga oo ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani’aadannimo iyo wada shaqaynta joogtada ah.

Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan mashaariicda ay Hey’adda Care International ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.

— Dhammaad —

May be an image of 2 people, newsroom, dais and the Oval OfficeMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 2 people, the Oval Office and daisMay be an image of 6 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -