HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza muxuu kala hadlay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta

Ra’iisulwasaare Xamza muxuu kala hadlay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho, Sabti, 19 Luulyo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.
— Dhammaad —May be an image of 3 people, suit and the Oval OfficeMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom, the Oval Office and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -