MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta booqday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Myuqdisho isagoona halkaasi ku arkay dayacaad iyo kheyri- masuulnimo dhanka nadaafada iyo adeega bulshada loo qabto ah, xili garoonka ay maamusho shirkad Turki ah.
Ra’iisulwasaaraha ayaa amar culus dul dhigay Maamulka Garoonka,Wasiirka duulista iyo shirkada Turkida isagoona waliba laba asbuuc u qabtay in nadaafada iyo adeeg xumida wax looga qabto.
Ra’iisulwasaare Xamza wuxuu booqday xitaa musqulaha oo ah meelihii ugu nadaafada xumaa uu soo arko ,sidoo kale mashiinada dadka loogu adeego ayaa qaarkood mar horaba shaqadii gabeen xili inta kalana aad u duugooben.
“Mishiinadan waa in la bedelaa mudo laba toddobaad gudahood ah waa amar, musqulaha Garoonka, waa mid jaban iyo mid daxaleystay waa in la wada bedelaa..” ayuu yiri Ra’iisulwasaraha
Sidoo kale wuxuu amray in dhamaan qaabka dhismeedka musqulaha loo badalaa sida Soomaalidu u taqaan ,isagoo carabka ku adkeeyay in halkaan aysan ahayn istanbul oo ay tahay Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
