HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo Caawa booqasho ugu tagay Axmed Madoobe iyo Sacidi...

Ra’iisulwasaare Xamza oo Caawa booqasho ugu tagay Axmed Madoobe iyo Sacidi Deni

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goor dhaw oo caawa ah booqasho ugu tagay Hotel Airport ee ku dhex yaal xeyndaab ka Xalane Madaxweynayaasha Puntland Saciid Debni iyo Jubaland Axmed Madoobe.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in labada Madaxweyne Maamul Goboleed diideen inay sawir iyo muuqaal lala galo halka ay ku wada hadalayaan Ra’iisulwasaraha iyagoo diidan inay Xamza Cabd i Barre sawir iyo muuqaal kala soo muuqdaan.

Xalay saacadahaan oo kale ayuu Ra’iisulwasaaruhu sidaan oo kale wuxuu guryahooda si kala gaar gaar ah ugu booqday Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble oo ka wada tirsan mucaaradka Golaha mustaqbalka.

kulanka Xamze ,Axmed Madoobe iyo Saciid Deni wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -