HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo ka hadlay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi-bari

Ra’iisulwasaare Xamza oo ka hadlay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi-bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, kaas oo maanta lagu doortay Laascaanood.
Raiisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay Guddoomiyaha cusub in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay, oo ay kamid yihiin dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.
Mudane Xamsa ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillqda sida ay uga soo dhalaaleen
mas’uuliyaddooda, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto taageerada iyo taabbagelinta maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo howlaha ka dhimman maamulka dhammeystirkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay dadaal badan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta maamulka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo u taagan xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.May be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -