HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo ka hadlay xuska maalinta shaqaalaha Soomaaliya

Ra’iisulwasaare Xamza oo ka hadlay xuska maalinta shaqaalaha Soomaaliya

Muqdisho, Jimce, 01 Maajo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka Maajo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin kobaca iyo adkeysiga Qaranka.
“Waxa aad laf-dhabbar u tihiin amniga,dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran kaabeyaal horumarsan oo casri ah leh, si walba oo duruufaha ay u adkaayeen maanta waxa aad u jihaysateen in aad qeyb ka noqotaan horumarka muuqda ee dalkeennu gaaray, sidaas darteed waxaan idiin rajeynayaa in aad sii xoojisaan dadaalka iyo naf-hurrnimada aad waddaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
May be a graphic of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -