HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada...

Ra’iisulwasaare Xamza oo kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada goleyaasha deegaanka Xamar+SAWIRRO

May be an image of one or more people and textMuqdisho, Khamiis, 25 Diseembar 2025: — Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo saaka ay bulshada ku nool caasimaddu si weyn ugu dareereen xarumaha cod-bixinta.
Ra’iisul Wasaaraha, oo booqday goobo ku yaalla degmooyinka Shangaani, Boondheere iyo Xamar-Jajab, ayaa dul-istaagay habsami-u-socodka doorashada, amniga goobaha, iyo adeegyada loo fidinayo muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay in ilaalinta nabadda, daahfurnaanta hanaanka doorashada, iyo tixgalinta rabitaanka muwaadiniintu ay yihiin tiirarka lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah, isla markaana ay masuuliyad wadareed ka saaran tahay dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo bulshada inteeda kale.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in maanta ay hirgashay rejo ay in badan doonayeen shacabku, taas oo noqon doonta taariikh cusub oo la xaqiijiyey loona qaaday dhanka dowlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda laga gaaray doorashooyinka tooska ah ee shacabka Soomaaliyaad loogu celinayo xuquuqdooda.
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people studying, hospital and textMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of one or more people, hospital and textMay be an image of one or more people, people studying, dais and text that says "DUWAAM"May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, tree and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎الال‎"‎‎May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, people studying and hospitalMay be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -