HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo kulan la qaatay Wasiir ka socda Dalka Turkey

Ra’iisulwasaare Xamza oo kulan la qaatay Wasiir ka socda Dalka Turkey

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ka qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda Soomaaliya soo-dhaweynta diirran, isaga oo tilmaamay sida ay dowladda Turkiga uga go’an tahay dardar-gelinta heshiisyada wadajirka ah iyo mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya kobaca dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Safiirka Dowlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Alper Aktaş ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, lagu guddoonsiiyey hadyad qiimo badan oo ay ku qoran yihiin Aayadaha qur’aanka Kariimka ah.

Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan waqtiyadii kala duwanaa ee dowladaha shisheeye ay soo fara-geliyeen midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya.

May be an image of wedding, dais and textNo photo description available.May be an image of dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais, the Oval Office and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -