HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo la xisaabtay Wasaarada Tiirka iyo dhaqaalaha+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza oo la xisaabtay Wasaarada Tiirka iyo dhaqaalaha+SAWIRRO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮
Muqdisho, Isniin, 18 Agoosto 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha waxa uu su’aallo ka weydiiyey qorshayaashooda Qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen. Waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukuumadda DanQaran, ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkaynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.
— Dhammaad —May be an image of 5 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 10 people and suitMay be an image of 6 people, suit, dais and textMay be an image of 9 people and suitMay be an image of 9 people and suitMay be an image of 5 people, people studying, suit and textMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 4 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -