HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay dhismaha Xarunta Wasaarada Maaliyada+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay dhismaha Xarunta Wasaarada Maaliyada+SAWIRRO

May be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎لووهه Γ e vla HAGA) MINISTRY MINISTRYOFFINANCE OF OF FINANCE Ohexe ee eraalka Q didt trict, alia TRYOFT 어름미‎"‎‎Muqdisho, Isniin, 26 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Mudane Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay, dhisamahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howlgali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeegga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna.
– DHAMMAAD –

Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of one or more people and suitMay be an image of lighting and suitMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and suitMay be an image of ‎hospital and ‎text that says "‎MAN MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGGA -DHIGGA Dhismaha Cusub ee Xarunta DhexeeeWasara Dhexe ee Nasaa Wasaaradda radda Maaliyadda Dowladda Federaaka Soomaalya HQ-ShanganiDistict, District, ឧ HQ- Mogadishu- Mogadishu-Somalia Shangani Somalia 贈 ن January 2026‎"‎‎May be an image of one or more people, suit and weddingMay be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎لمو۹ SA A DHA ISU da daD D MIMISTRYO MINISTRYOFFIMANCE OF FINANCE unta D a Fede sa ngani nganiDi Disr Dis hu-So So hu‎"‎‎No photo description available.No photo description available.May be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -