HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo maanta furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza oo maanta furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka+SAWIRRO

Muqdisho, Talaado, 04 Nofeembar 2025:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka (Somali Internet Governance Forum), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay in shirkan ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo lagu horumarin karo maamulka iyo nidaamka isticmaalka Internet-ka ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.

“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo. Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyaga oo dhowraya danta guud. Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii xoojin doonto dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo hubiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalkeenna.May be an image of one or more people, newsroom, dais and text that says "Ô GOVERNANCE FORUM SOMALIA INTERNET Madash Hab-Ma iulka Hab-Mahulka 3 Interne Sooma 2025 uca Qa SOMALIA INTERNET GOVERNNCE SOMALAINTERNET TORUM"May be an image of one or more people, crowd, dais and textMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of ‎one or more people, dais, newsroom and ‎text that says "‎SOMALAINTERNET SOMALIA SOMALIAINTERNET INTERNET Madash Hab-Ma sulka Geama Sooma 2025 2 Opening seningby Official ป Chiel ChielGuest Guest Hg ื้อพ יסי SOMALIAINTERANET GOVERNANCE SOMALIA INTERNET Mesamulka Madasha tab-Maamulka Soomaaliya 2025 H.E. Hamza Abdi Barre PrimeMinistor Primal Ministor Fedoral nment malia soomealiy องิอย‎"‎‎May be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, suit, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, suit, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of speaker, lighting, newsroom, dais and text that says "SOMALAINTERNET FORURE SOMALIAINTERNET SOMALIA INTERNET GOVERNANC Madasha Itor Hab-Ma ulka Sooma: 2025 Official apeningbluent Opening theChiefQuest Chiel Guest the SOMALIAINTERNET ROMEENANCEFORUM SOMALIA INTERNET H.E. Hamza Abdi Barre Madasha Hab-Maamulka amulka Soomaaliya Soomaaliya2025 2025 PrimeMinister Minister Prime Faderal Government of Somalia Mustegbalkn pilitsnike お号間"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom, crowd, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -