HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo mar kale weeraray siyaasiyiin iyo maamul goboleedyada qaar

Ra’iisulwasaare Xamza oo mar kale weeraray siyaasiyiin iyo maamul goboleedyada qaar

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay kulan uu la qaatay qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa mar kale weeraray afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradk iyo Maamul Goboleedyda qarakood.lala

Ra’iisulwasaare Xamsa wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in siyaasiyiinta qaarkood ay sheeganayan inasan rabin in dalku yeesho Dowlad adag islamarkaana ay uga cabsanayaan inay iyaga leyso.

“Waxaa la yaab leh siyaasiyiin fara badan oo leh dowlad adag inay dalka ka dhalato ma ahan, way na leynaysaa, hore ayay noo leysay, Dowlad dadkeedu doorteen oo sharcigu hago oo dadku jecel yihiin dadkeeda ma leyso “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza

Ra’iisulwasaaraha wuxuu intaasi ku daray inay Dowladnimada ka cabsadana kuwa aan rabin in dalku doorasho aado oo dadku soo doortaan madaxda ay iyaga rabaan.

“dadku waxay u baahan yihiin Dowlad adag , sidey Dowladu dadka u hageysa  hadii aysan ahayn mid adag “ayuu yiri Xamza Cabdi Barre

Waxaa kale uu Raiisulwasaaruhu carabka ku adkeeyay in dalka Caasimada laga dhiso lagana sugo amniga guud ee dalka laakiin aan tuulooyinka dalka laga dhisin lagana sugin amniga.

Mar uu ka hadlayay maamul Goboleedyada Dalka sida Somaliland ayuu soo jeediyay in dalka midnimadiisa laga shaqeeyo iyadoo sida uu sheegay Soomalidu yihiin dadka kaliya ee dunida isku afka ah ,isku dhaqanka ah, isku diinta ah sidoo kalana isku midabka ah.

“Soomaalida Alle ayaa ka dhigay dad isku diin ah,isku midab ah isku dhaqan ah mana jirto waad ogtihiin wax badda ah ama buuro ah oo u dhexeeya, maxaa loo kala qoqobayaa dad sidaas ah”ayuu mar kale yiri Xama

Reer Somaliland wuxuu sheegay Ra’iisulwasaaruhu inay jecel yihiin sidaas daraadeed ay u diidan yihiin inay ka go’aan Soomaalida inteeda kale.

“Gooni u goosad marka aan maqalno waxaan fiirinaa reer Somaliland kaliya , maha arinta sidaas reer Somaliland waa Libaax ciyay laakiin waxaa jira libaaxyo aamusan”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 4 people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -