HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo si adag uga hadlay arimaha dhulka

Ra’iisulwasaare Xamza oo si adag uga hadlay arimaha dhulka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre oo ka qeybgalayay dood su’aalo weydiin dadweyne ah ayaa mar wax laga weydiiyay arimaha dhulalka ee maalmihii ugu danbeeyay aad looga hadal hayo Muqdisho ayaa si adag u difaacay siyaasada Dowlada ee dhanka dhulalka.

Xamza Cabdi Barre wuxuu si cad u sheegay in guud ahaan dhlalka danta guud ay Dowladu masuul ka tahay xaqna u leedahay inay maareyso sida inay iyadu bixiso inay ganacsato ku wareejiso si ay u maalgeliyaan.

Ra’iisulwasaaraha mar uu ka hadlayay cabashada dadweynaha qaar ayuu daboolka ka qaaday in arimaha dhulalka ay ka mid yihiin caqabadaja ugu waa weyn ee Dowladu wajaheyso ,wuxuu xusay in marka  Dowladu maareyneyso arimaha dhulka ay qaladaad ka iman karaan habka loo maareynayo sidaas daraadeedna ka masuuliyad ahaan aysan ku raali ka ahayn wixii xad-gudud ku ah shacabka.

Muuqaal aan ka soo xiganay Universal TV ayuu ra’iisulwasaaruhu ku faahfaahinayaa arimaha dhulka kagana jawaabayaa su’aalo ad-adag:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -