HomeWarkiiSAWIRRO: Ra'iisulwasaare Xamza oo si deg deg ah ku booqday goobaha laga...

SAWIRRO: Ra’iisulwasaare Xamza oo si deg deg ah ku booqday goobaha laga bixiyo Kaarka NIRA kadib cabashada shacabka

Muqdisho, 03 November,2025. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -