MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii shalay Muqdisho ku dhexmaay ciidamo mucaaradka Somalia ay wateen iyo ciidamada Booliiska Dowlada Faderaalka kaasoo sababay dhimasho,dhaawac iyo burbur hanti gaadiid ay lahaayeen labada dhinac.
”Falkii shalay lagu weeraray saldhigga Boliiska, waxaa uu xambaarsanaa farriin ah Muqdisho uma qalanto hormar iyo xasillooni, waxaana lagu diidanaa in Muwaadiniinta loo celiyo xaquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza sida oo goor dhaw lagu faafiyay warbaahinta xafiiska Xukuumada
Sidoo kale Ra’iisulwaasaaraha oo warkiisa sii wata ayaa Hay’adaha amniga faray in ammaanka Muwaadiniinta ay sugaan islamarkaana kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed sida uu warka u dhigay.
Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha ayaa hadaladiisa waxaa ku jirtay in falkii shalay uu ahaa isku day afganbi Dowladeed ah oo ay sameeyeen mucaaradka laakiin ka fashilmay, lama oga sida ay uga jawaabi doonaan mucaaradka,sidoo kale wuxuu xusay Ra’iisulwasaaraha in mucaaradku mudo diyaarinayeen fulinta weerarkaasi.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka faahfaahinta Ra’iisulwasaaraha:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
