HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo xarigga ka jaray dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta...

Ra’iisulwasaare Xamza oo xarigga ka jaray dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha+SAWIRRO

May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎BIYAH A FURITA NASAAR AADKA KA ARUNTA MARTA H HA- الروت XFS 00 ion of the Cen of Energv and I ters ources‎"‎‎Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, oo laga hirgaliyey dhisme casri ah oo loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa uu sheegay in dhismaha xaruntani uu qeyb ka yahay horumarinta kaabeyaasha nolosha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyada oo xaruntani ay dabooli doonta baahidii dhanka xafiisyada ee Wasaaraddani ay qabtay.

Dhismahan casriga ah oo loo qalabeeyay qaab ku habboon xarumaha shaqo ee hay’adaha dowladda, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladda si kor loogu qaado hufnaanta iyo adeegga dadweynaha.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku dadaalaysa sidii ay koronto bilaash ah u heli lahaayeen dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa danta guud sida goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo xafiisyada dowladda, iyada oo dhanka kale gacanta lagu hayo biyo-galinta in ka badan 20 magaalo oo ku kala yaala gobollada dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu adkeeyay in Soomaaliya ay u dhaqaaqday isku tashi bulsho iyo mid dowladeed maadama xilligan uu isbeddel ku yimid dhaqaalaha adduunka taasi oo keentay in mudnaan gaar ah ay Xukuumaddu iska saarto ku isku filaanshaha iyo wax-soo-saarka gaar ahaan dhanka Koronta, Biyaha iyo Khayraadka kale ee dalku leeyahay.
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and dais

 

May be an image of one or more people, suit and weddingMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and suitMay be an image of suitMay be an image of suitMay be an image of treeMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, suit and eyewearMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, eyewear, suit and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "XAFLADI A FURI DHEXE EE WASA KH AAI AANK XARUNTA DDA TAMARTA & IAHA- XFS Inagur Minist on of t1 f Ener Headquarters Water Resources Visit website Visi:.ourwebsiteforMore for More www.moewr.gov.so 21 April GB 2026 Mogadishu Somalia"May be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and text that says "NATER ESOURCES KHAYRAADKAI BIY AHA XAF DHEX ] ADDA FURITA EE WASAA HAYRAADK NKA XARUNTA ΌΑ TAMARTA & HA- -XFS naguration of the linistry of Energy a u adquarters r Resources DV.SO น"May be an image of one or more people, road and streetMay be an image of one or more people, dais and text that says "MINISTRY OF ENERGY& WATER RESOURCES POOAA 2 WASAARADDATAMARTA WASAARADDA TAMARTA& & KHAYRAADKA BIY BИyHA E ANFAXARUETA & 2"May be an image of one or more people, people smiling and headscarfMay be an image of one or more people, people smiling, headscarf and daisMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -