HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza "Soomaaliya waxa ay furtay bog cusub oo dhanka horumarka ah"

Ra’iisulwasaare Xamza “Soomaaliya waxa ay furtay bog cusub oo dhanka horumarka ah”

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal uu goor dhaw soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay halka ay mareyso arintii shidaal soo saarista Soomaaliya xili shalay Dalka Turkiga laga soo sagootiyay Markabkii soo saari lahaa Shidaalka madaama hore sahan loo sameeyay lagu xaqiijiyay in Somalia shidaal badan dhex ceegaago.

Qoramaha Ra’iisulwasaaraha oo cinwaan uu uga dhigay Soomaaliya waxa ay furtay bog cusub oo dhanka horumarka ah halkaan hoose ka akhriso:-

Maanta, waxaan si weyn ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed tallaabadan taariikhiga ah ee ku aaddan hirgelinta howlgalkan qodista ceelka Shidaalka ee Curad-1. Arrintani waa rajo muddo dheer ay wada naawilayeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, taasi oo ku timid dadaal iyo adkaysi ay ummaddeennu ku soo martay marxalado adag, isla markaana maanta ay u istaageen dhismaha mustaqbal barwaaqo ah.

Imaanshaha Markabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey, oo ku soo wajahan xeebaha dalkeenna si uu u bilaabo shidaal-qodista, ayaa ka dhigan bilow cusub oo ku suntan horumar waara, koboc dhaqaale iyo ka miro-dhalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Eebbe ku mannaystay dalkeenna.

Tani ma aha hawl farsamo oo sahal ku timid, balse waa tallaabo istiraatiiji ah oo sare u qaadaysa kalsoonida maalgashadaayasha, xoojinaysa madax-bannaanida dhanka tamarta, kana tarjumaysa jihada cusub ee Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta kheyraadkeeda.

Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed guushan taariikhiga ah. Soomaaliya maanta waxa ay u tallaabaysaa bog cusub, taas oo si buuxda noogu jihaynaysa mustaqbal barwaaqo ah.May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -