Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa.
Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne .
May be an image of 6 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 people and camelMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people
Previous articleAbwaan Bashiiir Xaddi Axmed oo lagu aasay Boorama
Next articleLafta-gareen oo loo sameeyay soo dhaweyn siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here