MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka Magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha 1-aad ee bahda Cadaalada Soomaaliyeed kaasoo uu soo qaban qaabiyay Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Xassan Macalin waxaana goob joog ka ah Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre.
Shirweynaha bahda cadaalada waxaa xariga ka jaray Ra’iisulwasaare Xamza islamarkaana hadalo ka soo jeediyay,sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiir Xasan Macalin,Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada ,Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kale.
“Shaqada hadda socota waxay tahay in la gaaro sarreynta cadaaladda. Garsoorkuna wuxuu ku jiraa Cutubka 9aad ee Dastuurka oo hadda horyaalla BJFS.” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo isna hadalo ka jeediyay ayaa sheegay inay socoto dadaallo waaweyn oo dib loogu habeynayo shuruucdii hore ee dalka, kuwaas oo ay isticmaalaan hay’adaha garsoorka.
“Dib-u-habeyntaan waa in bulshada ay marqaati ka noqotaa.”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka .
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shirweynahaan wuxuu dhankiisa ka sheegay inay colaad beeleed abuuri karto hadal qaldan oo shaqsi xasaasiyad lehi ku dhawaaqo.
: “Hadal qaldan oo qof xasaasiyad leh uu dhaho waxaa laga yaabaa inuu kiciyo dagaal qabiil oo ay dad badan ku dhintaan. Arrintaasina waa in xal loo helo.” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.
Ugu danbeyn Ra’iisulwasaaraha Somalia amse Cabdi Barre oo hadalo ka jeediyay shirweynaha uu xaraiga ka jaray ayaa sheegay inay adkaaneyso amni waara addii aan la xaqiijinin caddaalad iyo garsoor lagu kalsoonaan karo.
“Dowlad dhiska Somalia waxaa ugu muhiimsan soo celinta kalsoonida ka dhaxeysa shacabka Soomaliyeed iyo Hay’adaha Dowlada, arintaasna waxaa bud dhige u ah sareynta sharciga , garsoor xooggan oo cadaalad ah waa shardiga 1-aad ee nabada waarta,xasilooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale intaba” ayuu yiri Ra’iisuwasaare Xamza
Sidoo kale wuxuu sheegay Xamza Cabdi Barre in hadii aysan jirin cadaalad inay adkaan doonto in la xaqiijiyo amni waara,kalsooni shacab iyo maagashi mid gudaha iyo mid dibada ah intaba.




