MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeybgalay dood wadaag iyo su’aalo weydiin dadweyne kaasoo uu qabtay TV-ga Universal ayaa la weydiiyay inuu sanadka danbe isku sharixi doono Madaxweyne iyo inkale, wuxuuna kaga jawaabay si la yaab leh.
Ra’iisulwasaare Xamze wuxuu si fudud ugu sheegay qofkii su’asha weydiiyay inuusan is sharixi doonin Madaama Madaxweynihii isaga fursada siiyay uu wali doonayo inuu isasoo sharaxo mar kale.
“waxaa laga yaabaa inaan dhaqan ahaan ka duwanahay dad badan sidey doonto ha ku timaadee, aniga Madaxweynihii shalay dadka i baray iina suurtagaliyay inaan dalkayga u shaqeeyo oo aan wax u qabto islama sharaxayo “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xama Cabdi Barre
“aniga Madaxweynihii i magacaabay sababtana u ahaa inaan caawa idin horfadhiyo islama sharaxayo , haduuse iska daayo ma aqaan waxa aan sameyn doono” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaare Xamza
 XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
